Madaxweynaha Kenya oo Diiday in Mushaharka loo Kordhiyo Macallimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Kenya.

Nairobi(SLpost) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aanay awood u lahayn inay kordhiyaan mushaharka macalimiinta wax ka dhiga iskuullada dawladdu maamusho, iyadoo macallimiintu ay haatan ku jiraan shaqo-joojin ay kaga cabanayaan mushahar yari haysata.

Uhuru Kenyatta oo shalay ka hadlayay shaqo-joojinta macalimiinta Kenya ayaa xusay in macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Kenya ay yihiin kuwa saddexaad ee ugu mushaharka badan qaaradda Afrika.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Kenya ay Jimcihii ku dhawaaqday in la xidho gabi ahaanba dugsiyada ay dowladdu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahay, inta ay macalliimiintu ku jiraan shaqo-joojinta.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in dakhliga soo gala dowladda Kenya ay boqolkiiba laba iyo konton (52%) ku bixiso mushaharada shaqaalaha oo ay ku jiraan Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadu.

Xogahayaha guud ee Ururka Maclimiinta Kenya, Wilson Sission ayaa isaguna ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in macalimiintu ay sii wadi doonaan shaqa joojinta oo isbuucii Afaraad galaysa Isniinta Maanta ah.

Dhanka kale, in ka badan 11 milyan oo caruur ah ayaa guryahooda joogaya oo aan aadi doonin Iskuullada Waxbarashada inta uu socdo gadoodka mushahar ka cabashada ah ee ay wadaan macallimiinta Kenya.

Ugu dambeyn, Iskuulada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa dib loo furay, inkastoo Iskuulada dawladda albaabbada la isugu dhuftay.