Madaxweynaha Joonfur Afrika Oo Lagu Haysto Inuu Wasiirada Dawlada Qoyskiisu Soo Xulaan

Hargyesa(Slpost)-Madaxwaynaha Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa beeniyay in qoys la leeyahay awood xoog leh ayay ku leeyihiin in ay ku cadaadiyaan magacaabidda wasiirada.

Mr Zuma ayaa sheegay in isaga oo kaliya uu yahay qofka xusha dowladda.

Shalay oo Arbaca ahay, ayaa sarkaal sare Mcebisi Jonas uu sheegay in jagada wasiirnimada wasaaradda maaliyadda ay ula yimaadeen qoyska Gupta.

Qoyska ayaa beeniyay eedaha.

Madaxwaynihii ugu dambeeyay ee caddaanka Koonfur Afrika, FW de Klerk, ayaa sheegay in tallaabooyinka Zuma ay yihiin ku halis galinaya demoqraadiyadda dalka.