Madaxweynaha Jabuuti oo Qaabilay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland,kadib markii uu mart-qaad ka helay.

Lama oga, xildhibaankuna ma sheeegin Ujeedadda rasmi ah ee safarka uu ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti oo u muuqday mid qarsoodi ah.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa ka hadlay kulanka foolka foola ee uu la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi

“Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismail Omer Gelle waxa aan uga mahadcelinayaa in uu igu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti isaga oo Aqlabiyaddii shacabka sharafta leh ee Reer Somailand uga mahad-celiyey codkii faraha badnaa ee ay igu doorteen.

Salaan milgo iyo maamus huwan ayaan Madaxweynaha idinka gaadhsiiyey shacabkaygii xariirta ahaayow.”

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mid ah 82 -Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa noqday Xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Wakiillada, isaga oo helay in ka badan Labaatan kun oo cod.

Somalilandpost.net

contact@somaliland