Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Dacwadda DP World “haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu…”

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay Dacwad dhaxaysa dowladiisa iyo Shirkadda DP World, taas oo gaadhay maxkamad ku taala magaalada London oo dhawaan soo saartay go’aan u xaglinaya shirkadda. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweyne Geelle oo Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Dacwad ay Shirkadda DP World ka gudbisay Dawladda Jabuuti aanay ahayn mid macno leh oo waxyeelo u geysan karta maadaama aanay iyagu goob-joog ka ahayn maxkamadda.

“Maxkamadda ay sheegayaan Shirkadda DP WORLD mid Annaga na qabata maaha, Maxkamad aanad Adigu u joogin wax ay kaa qaadi karto ayaa iska yar,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Madaxweynuhu waxa sheegay in Shirkadda DP World ay Dekedda Dooraale ee Jabuuti ku leedahay Saami dhan 33%, haddii ay shirkaddu ka noqonayso heshiiskii shuraakadaha ahaa ee u dhexeeyeyna ay diyaar u yihiin inay siiyaan Magdhow.

“Annagu wanaag iyo niyad-sami waanu la joognaa, inay 33% ku  lahaayeen Dekeddaana waanu qiraynaa, Annaguna aanu 67% lahayn waanu qiraynaa, laakiin waxan ay Warbaahinta ka wadaan malaha wax kale ayay doonayaan oo maaha dad wanaag doonaya, maaha Dad doonaya in Shuraakadii la soo celiyo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mar uu ka hadlayey mowqifka ay dowlad ahaan ka taagan yihiin iyo sida ugu fudud ee muranka u dhexeeya lagu soo af-jaro karo, waxa uu sheegay, “Annagu haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu tu la iibinayo maaha,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Somalilandpost.net