Madaxweynaha Jabuuti Oo ka Dhex Sheegay Dalalka Reer Galbeedka In Ay Ku Lug Leeyihiin Argagixisada

 

Jabouti(SLpost)-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qayb-galay shir lagu qabtay New York oo lagaga hadlayey kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaallama caalamka, sida kooxda ISIS iyo Al shabaab ayaa sheegay in xag-jiriintu ay bedeleen xeeladahoodii ayna billaabeen inay cabsi-geliyaan shacabka ku nool meelaha ay ka taliyaan.

 

Madaxwayne Geelle  ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay inay qayb ka yihiin sidii ay dhallinyaradu ugu biiri lahaayeen kooxaha xagjiriinta ah, isagoo xusay in marka ruux lagu dhibaateeyo Diinta uu haysto ay khasab ku noqonayso inuu xagjiriinta ku biiro oo uu ciirsi iyo miciin bido.

 

“Kooxaha mitidiinta ahi waxay billaabeen inay xeeladdo cusub adeegsadaan; taas oo ay dadka ku dhibaateynayaan. Waxaan idiin sheegayaa in xisbiyada ka jira dalalka Yurub qaarkood inay ku lug leeyihiin dhallinyarada xagjiriinta ku biiraya,” ayuu yidhi Geelle.

 

Wuxuu intaas ku daray. “Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiin sheegayaa in diinta Islaamku aanay ahayn argagaxiso. Marka Qof islaam ah la qabto ma ahan in lagu sifeeyo argagaxiso. Sidaa daraadeed waa inaad dadka Islaamka ah ka deysaan cadaadiska.”

 

Jabuuti ayaa waxaa kaga sugan Somalia hal guuto oo ciidammo ah kuwaasoo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Somalia AMISOM, iyagoo ka howlgala gobollada dhexe gaar ahaan gobolka Hiiraan.