Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani iyo kooxdiisa Isbadal Doonka Ah Oo ku Guulaystay Doorashada Iiraan iyo Ayatollah Khamenei Oo La Badali Doono

Iiraan(SLpost)- madaxweynaha isbedal doonka ah ee Iran, Xasan Rouxani, ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii dalkaasi ka dhacday, ayaga oo la filayo in ay ku wada guuleystay dhammaan kuraasta caasimada Tehran.

Doorashada ayaa ah tii ugu horreysay ee ay Iran yeelato tan iyo markii uu dalkaasi quwadaha adduunka la saxiixday heshiiska nukliyeerka.

Malaayiin codbixayaal ah ayaa Jimcihii doortay baarlamaanka Iran ee ka kooban 290ka xunbood iyo weliba golaha khubarada.

Golahaasi oo ka kooban 88 xubnood ayaa doorta hogaamiyaha ugu sareeya dalkaasi, waxaana laga yaabaa in ay magacaabaan ninka bedali doona Ayatollah Khamenei oo ah 76 jir uusan caafimaadkiisu wanaagsaneyn.

Dhanka kale, musharraxa qolyaha mayalka adage e Iran, Ayatollah Taghi Mesbah Yazdi, ayaa guuldarro weyn kala kulmay doorashada asaga oo meel hoose ku jira.

Siyaasiyiinta isbedal doonka ah ee Iran ayaa xoogga saaraya sidii ay maalgashi shisheeye ugu heli lahaayeen dalkooda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii ay saareen waddamada galbeedka.