Madaxweynaha Djibouti oo qaatay Tallaalka Ka-hortagga Cudurka Covid-19

Geelle

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta qaatay tallaalka ka-hortagga Cudurka Covid-19, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalkaas.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hormuud ka noqday barnaamij olole caafimaad oo tallaalka ka-hortagga xannuunka lagu siinayo shacabka dalkaas kaas oo maanta ka bilaabmay guud ahaan dalka Djibouti.

Advertisement
Geelle

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxa dhawaan soo gaadhay shixnado tallaalka Covid-19, waxaana la qorsheeyey in kumanaan ruux laga tallaalo cudurkan oo farabaas ku haya caalamka.

Jabuuti ayaa noqonaysa dalkii labaad ee ka tirsan waddamada Jaamacadda Carabta ee tallaalka ka-hortagga Covid-19 la gaadhsiiyo, waxaana ka horeeyey dalka Suudaan oo todobaadkii hore loo geeyey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye ayaa toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay in ololaha tallaalka laba weji loo fulinayo, wejiga horena lagu bilaabayo dadka waayeelka ah, kuwa xannuunada kale hayaan iyo hawl-wadeennada caafimaadka. Halka wejiga labaad ee tallaalka lala sugayo shixnad tallaalka xannuunka Covid-19 oo ay bixisay dowladda Shiinaha, taas oo dhawaan la filayo inay soo gaadho dalkaas.

“Tallaalku waa qayb muhiim u ah xakamaynta faafidda fayraska, si ay xaaladdu ugu soo noqoto sidii caadiga ahayd,” sidaas waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame, waxaanu ku boorriyey dadka loogu tala-galay wejiga kowaad inay isu diiwaangeliyaan qaadashada tallaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On