Madaxwayne Siilaanyo oo shacabka Somaliland ta tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Banigaga Dhexe

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay Geerida ku timi Guddoomiyihii hore ee baanka Dhexe ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

SIILAANYO
Madaxweyne Siilaanyo

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Dhamaal xambaarsan Tacsida Madaxwaynaha oo warbaahinta soo gaadhay, ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Dr: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, MARXUUM, CABDIRAXMAAN DUCAALE MAXAMUUD, oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

SOMALILANDPOST.NET