Madaxwayne Axmed Siilanyo oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Gudigii Guurtida Iyo Shirgudoonka Wakiilada Ee Soo Af Jaray Khilaafkii Golaha Wakiilada

Hargeysa(SLpost):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xubno Ka Mid Ah Golaha Guurtida Kadib Markii La Soo Af Jaray Khilaafkii Golaha Wakiilada.

130

ulanka Uu Madaxweynaha Somaliland La Qaatay Xubnaha Golaha Guurtida Ee Soo Af Jaray Khilaafkii Ka Taagnaa Golaha Wakiilada Iyo Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Ayaa Madaxweynaha Somaliland Lagula

Socodsiiyey Go,Aamada Lagu Heshiiyey  Laguna So Af Jaray Khilaafkii U Dhaxeeyey Garabyadii Isku Hayey Golaha Wakiilada Somaliland.

ciidagale

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Kulankaas Ka Hadlay Ayaa Sheegay Inuu Soo Dhawaynayo Go,Aanka Laysla Qaatay  Waxaanu Tilmaamay Inuu Soo Dhawaynayo Wax Kasta Oo Ay Isla Meel Dhigaan Labada Golle Ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Sheegay Inuu Soo Dhawaynayo Wax Kasta Oo Ku Jirto Danta Umada Somaliland Iyo Tan Qarankuba.

 

130

Ugu Danbayntiina Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Golaha Guurtida Uga Mahad Celiyey Go,Aamada Ay Ku Soo Af Jareen Khilaafkii Ka Taagnaa Golaha Wakiilada Somaliland.

Qodobada Ay Xubnaha Golaha Guurtidu Ku Soo Af Jareen Khilaafkii Golaha Wakiilada Ayaa Waxa Ka Mid Ah

1.     In Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Laga Simo Codka Lagu Rido Karo Isla Markaana Laga Dhigay 42 Cod

2.     Inaan Wax Mooshin Ah  Oo Lagu Ridayo Shir Gudoonka Golaha Wakiilada La Keenin Marka Laga Reebo Xil Gudasho La,Aan Lagu Soo Oogo.

3.     In Goluhu Fasax Ahaado Inta Ka Dhiman Fasixii Ay Ku Jireen Ee La Isla Qaatay.

Somalilandpost/Desk

Somalilandpost.net