Madaxwaynaha Bolivia oo afti ku “guul daraystay”

Hargeysa(Slpost)-Madaxwaynaha dalka Bolivia, Evo Morales ayaa si dirqi ah ku waayay in uu mar afraad u tartamo madaxwaynenimada dalkaasi kaddib markii afti la qaaday, sidaas waxaa muujiyay warbixinta hor dhaca ah ee Aftida.

Mid ka mid ah tirada codadka la dhiibtay ayaa muujinaya in 52.3% ay dadku ka soo hor jeedsadeen, mid kale ayaase tilmaamaysa in 51% dadkii codka dhiibtay ay ku gacansayreen in Morales uu mar kale uu hogaamiyo dalka.

Si kastaba ha ahaatee Morales ku xigeenkiisa ayaa saadaalinaya in madaxwayne Morales oo ah kii u horeeyay ee ka soo jeeda dadka asal ahaan u daganaa dalkaasi in uu aftida guul ka gaaro marka ay soo dhamaystiranto natiijada rasmiga ah ee aftida.

Haddii sharciga la badalo Morales wuxuu madaxwayne sii ahaan lahaa tan iyo 2025-ka.Taageerayaasha mucaaradka oo ku sugan qaybo ka mid ah caasimadda La Paz ayaa u dabaaldagaya natiijada aftida. Morales wuxuu ka soo jeedaa dadka asalka ah ee Aymara wuxuuna horay u ahaa nin beerta caleenta Coca, wuxuu xilka qabtay 2006.

Xilka madaxwaynenimada ee uu hadda hayo wuxuu ka dhamaanayaa sanadka 2020. Wali waa hogaamiye caan ah, dhaqaalaha dalkaasina si wayn ayuu u koray toban kii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa qaba in aan la ogolaanin in madaxwayne Morales uu dalka ka taliyo 19 sano oo xiriir ah sida uu sheegayo tafatirahanaga Ameerika. In la taxadaro ayaa lagu baaqay.

Madaxwayne ku xigeenka dalkaasi Alvaro Garcia Linera ayaa ku baaqay in dadku ay ka war dhawraan natiijada kama dambaysta ah wuxuuna intaas ku daray in dabaaldaga mucaaradku uu yahay hor dhac.

Saxafiyiinta ayuuna u sheegay in saadaalinta aftida laga bixiyay ay khalad tahay.

BBC