Madaxtooyada Somaliland Oo Wado iyo Qurxin Dheeri ah Loo Dhagax Dhigay

????????????????????????????????????

Hargeysa (Slpost )-Iyadoo lagu jiro tabaabushaha iyo u diyaar garawga dabbaaldega 25 guurada ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland, Madaxweynuhuna uu dhawaan dhisay guddida heer qaran ee qaban qaabada iyo agaasinka xuskaa weyn ee 18may, Guddidaas oo ay wada shaqayndoonan guddiyada heer gobol iyo degmo ee dalka, ayaa gudaha madaxtooyada Somaliland waxa mudooyinkan danbe ka socda hawlo banayn iyo qurxin isugu jirta.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 Iyadoo laga duulayo diyaar garawgaasi munaasibada qaran, ayaa wasiiru-dawlaha Madaxtooyada mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddu Marwo khadra Xaaji Gaydh, waxay dhagax dhigeen waddo maridoonta gudaha madaxtooyada oo laami ah, taas oo isku xidhi doonta gudaha madaxtooyada ilaa mid ka mida wajahada hore ee Madaxtooyada.

 Sidoo kale fagaare labaad oo lagu qaban doono dabbaaldega 18 may iyo munaasibadaha kale ee qaranka ayaa lag bineeyey gudaha madaxtooyada Somaliland.Guddiyada heer gobol iyo degmo ayaa iyaguna gudogalay qabanqaabada iyo agaasimka 25 guurada 18 may.