Madaxtooyada Somaliland oo lagu eedeeyey inay ka dambayso Xadhigga Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID, Marwo Xaliimo Cismaan Raage

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa madaxtooyada Somaliland ku eedeyey inay ka dambaysay Xadhigga lagula Kacay Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage oo muddo afar maalmood ah ku xidhan Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

cali-gurayCiidamo Boolis ah oo uu soo diray Taliyaha Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa 18-kii Bishan Marwo Xaliimo ka kaxeeyey meherad ay ku leedahay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay inuu Amarka xadhiggeeda uu bixiyey Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Maroodijeex.

Xaliimo Cismaan Raage
Xaliimo Cismaan Raage

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID oo Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ku booqday maalin ka dib markii la xidhay Marwo Xaliimo Cismaan Raage, ayaa sheegay in uu Taliyaha Saldhigga Dhexe u caddeeyey in Amarka Xadhigga Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID uu yahay Amar kaga yimi Taliska Booliska isla markaana aanu ka war-qabin dambiga loo haysto.

 

SOMALILANDPOST.NET