Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay aqoonsiga Maraykanku siiyey Dawladda Somalia

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay Aqoonsiga Maraykanku siiyey Dawladda Somalia oo ay ku tilmaantay mid aan waxba ka beddelayn isla markaana aanay khusayn Arrimaha qadiyadda Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa shacabka ugu baaqay inay dhinac uga soo marxalad kasta oo soo food-saarta dalka, isaga oo tilmaamay in arrimaha qaarkood aanay tuhun kala dhex-galin midnimada dalka.

Axmed Saleebaan DhuxulAxmed Saleebaan Dhuxul oo maanta ka hadlayay munaasibad lagu daahfuray Wargeyska Somalilandtoday oo ku soo biiray Warbaahinta Dalka, waxa uu yidhi, “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Soomaaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa.”

Axmed Saleebaan waxa uu la hadlay Shacbiga Dalka, “Shacabka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyadda dalka ka shaqeeyaan, oo innaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno. Waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET