Madaxtooyada Oo Sharaxday Heshiiska DP World Iyo Somaliland

Hargeysa  (SL.Post) Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05.09.2016 waxa si rasmi ah qalinka loogu duugay Heshiiskii Casriyeynta iyo Ballaadhinta Dekedda Caalamiga ee Berbera kaasoo u Dhexeeyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiska dhex maray laba dhinac nuxurkiisu wuxuu ahaa in Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dubai (UAE) ay maalgaliso Marsada Caalamiga ah ee Berbera (BPA).

 

DSC_0050-475x434

 

 

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, sexeexa heshiiska waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxana Jamhuuriyadda Somaliland u sexeexay Dr. Sacad Cali Shire (Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda) oo ka tirsan Xubno Wasiiro ah oo uu Madaxweynuhu u xil saaray gor-gortanka iyo dhammaystirka heshiiska. Dhanka Dawladda Imaaraadka Carabta waxa heshiiska u sexeexay Suldaan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyahay Guud ee Shirkadda DP WORLD.

 

 

Madashii heshiiska lagu sexeexay waxa Saxaafadda kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP WORLD Dr. Suldaan Ahmed bin Sulayem, hadalladoodiina waxa ka mid ahaa:

 

 

Suldaan Ahmed bin Sulayem: “Labada Shacbi ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland maanta (05.09.2016) waxay u tahay maalin taariikhi ah. Waxaan jecelahay inaan Xukuumadda Somaliland si weyn ugaga mahad celiyo kalsoonida iyo aaminaada ay na siiyeen in Shirkadda DP WORLD ay horumariso isla markaana ay casriyeyso arrin run ahaantii labada shacaba ku yeelan karta saamayn weyn oo dhaqaale. Tallaabadan qiimaha leh ee aynu maanta wadajirka u xaqiijinay waa tallaabo rajo iyo yididiilaba leh, waxayna horseed u tahay horumarka xagga dhaqaalaha ee ay Somaliland hiigsanayso mustaqbalka. Hilinka horumarka ganacsiga geeska Afrika waa Marsada Berbera, haddii aanu nahay Shirkadda DP World waxaanu diyaar u nahay inaanu maalgelino, horumarino oo aanu Casriyeyno Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Waxa xusid mudan in Dekeda Berbera ay ku taallo marinka ugu muhiimsan shixnadaha ganacsiga ee u kala gooshaya Dunida Bariga iyo Galbeedka ee ku yaala marinka biyaha Badda Cas. Sidaa darteed, hadaanu nahay Shirkadda DP World waxa naga go’an sidii aanu Dekedda Berbera uga dhigi lahayn Marsada ugu muhiimsan uguna casriyeysan Gobolka Geeska Afrika.”

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna geba-gabadii madashii heshiiska lagu sexeexay Saxaafadda la hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa:

 

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP WORLD Suldaan Ahmed bin Sulayem, maanta waxaynu goob-joog iyo markhaatiba ka nahay dhacdo taariikhi ah. Qof ahaana sharaf iyo karaamo weyn ayay ii tahay inaan qayb ka ahay dhacdadaa taariikhiga ah. Maanta waxaynu dhignay aas-aaskii iyo xuduntii iskaashiga iyo horumarka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Tallaabadani waxay kor u qaadi doontaa fidinta, casriyeynta iyo tayaynta adeegyada ay bixiso Marasada Caalamiga ah ee Berbera, taasoo si habsami leh wax weyn uga tari doonta baahiyaha iyo isku xidhka ganacsiga ee Gobolka Geeska Afrika. Heshiiskan la wada gaadhay waa war wanaagsan oo lagu farxo, kaasoo aan keliya ku koobnayn Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, laakiin wuxuu farxad iyo wanaagba u yahay guud ahaanba mandaqada aynu ku naallo iyo Qaarada Afrikaba.”

 

 

Ugu dambay heshiiskan ayaa dhiirigelin iyo hami mustaqbal oo muhiim u ah Qaranka Somaliland iyo guud ahaan shacbigiisa, iyadoo shaqo abuur iyo horumar balaadhan oo aynu kula tartami karno suuqyada dekedaha caalamka u horseedaya dalka Somaliland. Waana heshiis taariikhiya oo muddo rubuc qarni ah ay Somaliland hirgeliso ammaanteeda iyo bogaadintiisana uu hormuud u yahay madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.