Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo Isu Dhiibay dawladda Soomaaliya

Soomaaliya (SLpost)- Madaxii sirdoonka maleeshiyaadka Al-Shabaab Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi oo hore Maraykanku madaxiisa u dhigay abaalmarin lacageed soo qabashadiisa aya ala sheegay inuu shalay isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ka hawlgala Gobolka Gedo.

AlshabaabSida lagu helayo wararka ka imaanaya gobolka Gedo, Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi iyo mid ka mid ah xoghayntiisa, ayaa la sheegay inay barqanimadii shalay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkan sare ee ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu isku soo dhiibaay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, ayaa wararka ku saabsan raaciyeen in laga soo kaxeeyey deegaanka ka baxsan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkaan, oo ahaa madaxii sirdoonka Al Shabaab ayaa sida wararka xaaladiisa la xidhiidha sheegayeen inuu muddooyinkii ugu dambeysay uu khilaaf xoogan u dhaxeeyey Amiirkii Mareykanku dilay ee Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), loona yaqaanay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Dowladda Mareykanka, ayaa bishii June ee sanadkii 2012-ka $3 Milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Sheekh Zakariye, iyadoo cidii nolol iyo geeriba ku keenta loo ballanqaaday in lacagtaas la siinayo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa la sheegay iney doonayaan in lagu wareejiyi sarkaalkaa, hase ahaate waxaa sida wararku sheegayaa diiday ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in loo qaado Muqdisho.

Horay waxaa dowladda Soomaaliya isugu soo dhiibay hogaamiyihii Alshabaab ee Puntland, Sheekh Maxamed Saciid (Atam), kasooo dhowr maalmood ka hor Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu ka saaray liiska dadka loogu yeero Argagixisada.

Dowladda Maraykanka 08 June, sannadkii 2012, u balan qaaday abaal marin lacageed oo gaadhaysa Malaayiin Dollar cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab.

Liiska ballanqaadka maraykanku duldhigeen madaxda ugu sareysay Shabaab ayuu ka mid ahaa, Sh.Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi, Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo loo balan qaaday ciddii soo sheegta halku ku sugan yahay aduun lacageed oo gaadhaysa 3-Milyan.

Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay ururka Al-shabaab sanadkii 2008, waana markii ugu horeysey ee uu Maraykanku lacag u balan qaado cidii keenta xog ku saabsan saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.