Madaxda Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland Oo Meel Uga Soo wada-jeestay Arrimaha Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyaha Somaliland oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka ayaa xalay kulan la qaatay madaxda ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Shirka oo ilaa maanta socday, ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo khuseeya xaaladda Laascaanood, waxaana layskula qaatay in ururrada siyaasadda iyo xukuumaddu meel uga soo wada-jeestaan arrimaha Qaranka.

Qoddobada ka soo baxay Shirku waxay u dhignaayeen sidan:-
1) In arrimaha Qaranka ay Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo Qaranka ku yimaadna si midaysan looga hortago.

2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaadho.

3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.

4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.

5) In Qaran ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.

6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin talada iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.