Madaxda Shirkada SOMA OIL Oo Lala Xidhiidhinayo Al-Shabaab

Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabateynta Saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritereya ayaa dalalka UK iyo NORWAY ka codsaday inay xog ka siiyaan xidhiidhka isgaadhsiinta iyo bangiyada mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Shirkada SOMA OIL oo la baadhayo inay xidhiidh toos ah laleeyihiin kooxda Al Shabaab.

1

Shirkada SOMA OIL oo hore sanadkii 2013 heshiis ula gashay Dowlada Somaliya dhanka sahminta batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyey warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in shirkadaasi ay laluush ku siisay Dowlada Federaalka dhinaca heshiisyada mashruuca batroolka, isla markaana la sheegay in Dowlada UK ay wax ka ogeyd arrimahan.

Madaxa Sare ee shirkada SOMA OIL ninka lagu magacaabo Michael Howard oo ka tirsan Golaha Odayaasha ee Baarlamaanka Ingiriiska ayaa hore usoo noqday Madaxa xisbiga hada talada haya ee Conservative Party. Waxaana weli ku socda baadhitaan uu wado xafiiska la dagaalanka musuq maasuqa ee UK oo loo yaqaan Serious Fraud Office (SFO).

Waxaa hadda soo baxaya xog dheeraad ah oo ku aadan xubnaha kale ee madaxda ka ah Shirkada SOMA OIL oo hada la sheegay in la helay xoog muujineysa in uu jiro xidhiidh laga shaki qabo oo ay la leeyihiin kooxda AL Shabaab.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa qoraal bishii lasoo dhaafay ay u direen Dowladaha UK iyo NORWAY ka codsadeen inay kala shaqeeyaan baadhitaanka lagu wado qaar kamid ah madaxda Shirkada SOMA OIL.

Qoraalka Guddiga Qaramada Midoobay oo ay todobaadkan heshay saxaafada ayaa wuxuu la xidhiidhaa nin lagu magacaabo Xasan Khayre oo ah Soomaali kamid ah Saamileyda shirkada SOMA OIL, isla markaana ah madaxa shirkadaasi ee xafiiskooda AFRIKA, ninkan ayaa heysta basaboor dalka Norway ah.

Waxaa waraaqdan markii ay taariikhdu ahayd 17 February 2016 (bishii lasoo dhaafay) loo diray Safiirada UK iyo Norway u fadhiya Qaramada Midoobay inay jawaab kasoo bixiyaan codsiga ka yimid Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in mid kamid ah dowladaha Afrika ay ka heleen xog la xidhiidha isgaadhsiinta  uu isticmaali jiray Xasan Khayre oo la sheegay inay muujineyso inuu jiro  xidhiidh  laga shaki qabo uu la lahaa kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab iyo kooxo kale oo aan magacooda la sheegin, Guddiga ayaa sidoo kale waraaqdooda ku sheegay in ay Xasan Khayre ka codsadeen inuu usoo gudbiyo diiwaanka iyo xogta bangiyadiisa si loo eego dhaq dhaqaaqa lacagtiisa balse waa uu diiday Xasan Khayre inuu xogtaasi bixiyo.

SOMA Oil ayaa qoraal kooban oo ay u gudbisay jariirada caanka ah ee The guardian, waxay ku beenisay wararkan oo ay ku tilmaantay kuwo sharaf dil ah, waxaanay sheegtay inaanu Xasan khayre wax xidhiidh ah la lahayn Al-Shabaab.

XigashO Geeska