Madaxda Qaranka oo Madaxweynaha ka tacsiyeeyay Geerida Walaalkii Marxuum Jamaac Maxamed Maxamuud

HARGEYSA (SLpost)- Madaxda Qaranka Somaliland oo isugu jira masuuliyiinta Goleyaasha Guurtida, Wakiillada, Xukuumadda iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka taciyeeyey Geerida ku timi Walaal Jaamac Maxamed Maxamuud (Jaamac-bureeqo) oo ku geeriyooday laguna aasay magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Madaxda Goleyaasha Qaranka iyo Axsaabta Siyaasadda waxa ay Marxuumka Eebbe uga baryeen Naxariistii Janno inu ka Waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, qoyskii, Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Qoyska Reer Maxamed Maxamuud ee madaxweynuhu ugu horreeyana Geeridiisa Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Masuuliyiinta Qaranka ee Tacsi u diraya Madaxweynaha, ayaa kala ah sidan hoos ku qoran:

“Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Adan (Saleebaan-nuur) iyo Shirgudoonka Golahaas, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) anha Gudoomiyaha Xisbiga WADANNI, iyo Ghirgudoonka Golaha Wakiiladda, Gudoomiyah Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye-xigeenada xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye-xigeenada Xisbiga Ucid.

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdirasaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed, Wasiirka kaluumaysiga Md. Cali Jaamac Buureed, Wasiirka Cadaaladda, Md. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Warshadaha Md. Abiib Diiriye Nuur, Wasiirka Ganacsiga Md. Muuse Qaasim.

Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed, Wasiirka Biyaha, Md. Xuseen Axmed Cabdulle, Wasiirka Warfaafinta, Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Md. Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Dib-u-Dejinta Md. Axmed Cabdi kaahin, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Gaashaandhiga Md. Axmed X.Cali Cadami, Wasiirka Boosaha, Md. Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Adan, Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-xigeenka kaluumaysiga Md. Cabdikariim Maxamed Mooge,

Taliyaha Ciidanka Socdaalka G/sare Maxamed Cali Yuusuf (Inna-cambaro), Taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan, Chief Caaqil Ibraahim Sheybe Maxamed, Maareeyaha Dekedda Eng. Cali Maxamed Cumar (Cali-xoor-xoor), maareeye-xigeenka dekedda Cumar Abokor Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET