Madaxda Qaranka oo aan u kala-hadhin Aas Hargeysa loogu Sameeyey Marxuum Xildhibaan Dhugad iyo weedhihii ay ka yidhaahdeen shakhsiyaddiisa

Madaxda Qaranka oo aan u kala-hadhin Aas Hargeysa loogu Sameeyey Marxuum Xildhibaan Dhugad iyo weedhihii ay ka yidhaahdeen shakhsiyaddiisaHARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxda Hay’adaha kala duwan ee Qaranka, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo maanta Qubuuraha Naasa-hablood ee duleedka Hargeysa loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) oo Habeen-hore ku geeriyooday isla Hargeysa.
Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Dhugad oo Golaha Guurtida Somaliland ka tirsanaa, waxa ka Madaxweynaha ka sokow, ka qayb-galay Shir-guddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Masuuliyiinta Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Siyaasiyiin, Wasiirro ka tirsan Xukkuumadda, Xildhibaannada Baarlamaanka, Madax-dhaqameed, Masuuliyiinta dawladda Hoose ee Caasimadda, Maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo Kumannaan Dadweynaha reer Hargeysa ka tirsan.
Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qaybgalay Aaska Marxuum Xildhibaan Dhugad, ayaa Illaahay uga beryey Marxuumka inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta, Golayaasha Baarlamaanka, Shacabka iyo Guud ahaan-ba Qaranka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO