Madaxda Islaamka Oo Ku Shiraya Istanbul

ordigan 2

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa marti-gelinaya kulan madaxeed ay ka qeyb galayaan 30 hoggaamiye, oo looga gol lee yahay in looga guuleysto khilaafyada u dhaxeeya dadka muslimiinta ah.Boqorka Sacuudiga Salman iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, oo dalalkooda ay isku hayaan dagaalada ka socda Yemen iyo Syria ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa kulanka Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka.

Arrimaha la filayo in kullanka looga hadlo, waxaa ka mid ah xaaladda Falastiin, Libya, Yemen, Syria iyo gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan oo ay kasoo cusboonaadeen rabshado u dhaxeeya dadka Azeri-ga iyo ciidamada Armenia.

Inta uu socdo kulanka, ayaa la filayaa in Turkey ay madaxtinimada ururka iskaashiga Islaamka kala wareegto dalka Masar.

Wakiilo ka socda 56 dal, oo ay ku jiraan 33 madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal ah ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka ka dhacaya magaalada Istanbul.

Inkasta oo kulanka ay marti-gelineyso, haddana kaalinta Turkiga ee Islaamka ayaa waxaa hareeyey muran ka dhashay xiriirka madaxweyne Erdogan uu la lee yahay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi, oo xukunka laga qaaday sanaddii 2013.

Madaxweynaha Masar ee iminka Cabdi Fataax El-Sissi ayaan kulanka ka qeyb galayn. Boqor Cabdallah ee dalka Urdun ayaa sidoo kale ka qeyb galayn kulanka.

Joogitaanka kulanka ee boqor Salmaan ayaa caddeyn kale u ah xiriirka sii diiranaanaya ee u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudiga. Xiriirka labada dhinac ayaa hormaray markii Salman uu dhaxlay boqortooyada Sacuudiga, sanadkii tagay.

 voa