Macdarrada Baabuurta lagu Iibiyo oo Caasimadda Looga saarayo dibadda iyo Istaamada Basaska oo goobo kale loo rarayo

Maayarka Caasimadda oo sheegay in BOQOLKIIBA KONTON (50%) shacabka ku Dhaqan Xaafadaha Hargeysa aanay Cashuurta Bixin

Hargeysa (SLpost)- Macdaarrada lagu iibiyo noocyada kala geddisan ee gaadiidka laga keeno waddamada dibadda oo gudaha Caasimadda ku dhex-yaalla, ayaa loo qorsheeyey goobo ka baxsan magaalada oo loo rari doono.

Maayar-SoltelcoQorshaha dawladda Hoose goobaha cusub ugu rarayso Macdarrada, ayaa ka dambeeyey ka dib markii mid waliba samaystay xayndaab cidhiidhi ku keenay gudaha Magaalada isla markaana ay amni-darro ku sababtay gaadiidka ku xeraysan oo u nuglaaday inay si fudud khasaare uga soo gaadhi karo rabashadaha dhalinyarada xilliyada habeenkii.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco), sharraxaad ka bixiyey qorshe ay Dawladda Hoose goobo kala duwan oo loogu talo-galay in ay dagaan macradadda Baabuurta lagu iibiyo, goobahaas oo ku yaala darafyada magaalada oo ay dawladda Hoose Leedahay.

Maayarka Caasimaddu waxa uu muddeeyey wakhtiga macdarrada loo rari doono goobaha cusub ee darafyada magaalada ku yaala, isaga oo in aanay jiri doonin macdarad laga furi doono gudaha caasimadda.

“Maanta laga bilaabo wax macrad ah oo Hargeysa laga furi doona ma jirto, dibaddaa loo wada saaraya, waxaanu u diyaaarinay dhulkii Maalgashiga, waana loo diyaariyey dhul ay gaadiidkooda ku iibiyaan, dhulkaasi oo labada Koone ee magaalada ah, laba bilood ka bacdi macrad dambe oo ka furnaan doona ma jirto,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Soltelco oo warbaahinta kula hadlayey Hargeysa shalay.

Maayirka Caasimadu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inaan macrad laga furan karin Xaafadda Shacabka ee Hargeysa oo ah meesha ay ku yaallaan Macdarrada ugu badan ee baabuurta lagu iibiyo magaalada Hargeysa. Isaga oo dhinaca kalena kaga dhawaajiyey qorshe aan wali lagu dhaqaaqin oo Istaamada Basaska laga raaco loogu rarayo goobo ku habboon.

“Khaasatan shacabka iyo agagaarkeeda, waxa kale oo aanu wadnaa in istaamadda dibadda loo raro oo gaadiidka dibada looga saaro,” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Cabdiraxmaan Soltelco, waxa uu dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka magaalada oo uu ku dhaliilay nidaamka cashuur-bixintooda oo aad u liita, isagoo xusay in boqolkiiba 50 shacabka caasimaddu aanay bixin cashuurta ku waajibtay.

SOMALILANDPOST.NET