Maayirka Degmada Burco oo Wacyi-gelin Ka Bilaabay Deegaanka Cali-Saahid ee Gobolka Togdheer

Hargeysa (SLpost)- Maayorka Degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Heero) iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, ayaa booqasho ku soo maray deegaannada Cali Saahid, Cadawyuurura iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Togdheer

Maayorka iyo Xubnaha Golaha Deegaanku, waxa ay Wacyi-gelin ku saabsan muhiimadda nabadgelyada iyo wada-jirka bulshada ka sameeyey degaannada ay mareen oo dhowaan ay ka dhacday shaqaaqo laba beelood oo walaalaha ah dhexmartay, kuwaasoo xalinta khilaafkooda ay qayb ka yihiin maamulka Golaha Deegaanka Magaalada Burco.

Xildhibaanada Golaha Degaanka uu hogaaminayo Maayorka Magaalada Burco ayaa shacabka faray ilaalinta nabadgelyada iyo in laga fogaado wax kasta oo keenaya isku dhac dhexmara labada dhinac.

Iska hor-imaad ka dhashay Kala-riixasho deegaanka, ayaa dhawaan deegaanka Cali-Saahid ee hawdka gobolka Togdheer ku dhexmaray Laba beelood oo walaalo ah, waxaana iska horimaadkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Qaranka, ayaa deegaankaas u gaadhay xalinta khilaafka labada Beelood, waxaana laga soo gaadhay go’aamo khilaafka lagu soo af-jaray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net