Maayir Ku-Xigeenka Xuddun Oo Beesha Caalamka U Bayaamiyey Inaan Indhaha Laga Qarsan Karin Xaaladda Laascaanood

Burco (SLpost)- Maayir ku-xigeenka degmada Xudun ee gobolka Sool, Cabdinaasir Cabdiqaadir Guure, ayaa Beesha Caalamka U Bayaamiyey Sida aan Indhaha Loo Qarsan Karin Xaaladda magaalada Laascaanood oo uu xusay in maamul-goboleedka Puntland ku soo duulay.

Maayir-ku-xigeenka Xuddun oo magaalada Burco kula hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay inay magaalada Laascaanood ka dagaalamayaan Ciidanka Puntland iyo malleeshiyo-beeleedyo ka soo tallaabay xuduudka Somaliland.

Md Cabdinaasir Guure waxa kale oo uu ka hadlay dagaal maanta magaalada Laascaanood ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaadka huwanta ah oo iyagu weeraray fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka magaalada.

Wuxuu Ciidanka Qaranka oo uu ugu horreeyo Taliye Mahad Canbaashe oo ku bogaadiyey difaacista Qaranka.