Maayarkii hore ee Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo Aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa iyo Taariikh nololeedkiisii oo laga hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Alle naxariistii janno ka waraabiyee, waxa maanta aas qaran loogu sameeyey duleedka Bari ee magaalada Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ahaa maayarkii hore ee caasimadda oo shalay ku geeriyooday.

Masuuliyiin, madax-dhaqameed, culimo-aw-diin, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Dadweyne tiro badan, ayaa ka qayb-galay Aaska Marxuumka, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiin iyo shaqsiyaad ka sheekeeyey taariikhdii marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay Halgankii dalka lagu xoreeyey, Dib u heshiisiintii iyo dib-u-dhiskii dalka iyo sidoo kale gaar ahaan kaalintii uu ka qaatay horumarinta caasimadda Hargeysa Xilligii uu Maayarka ka ahaa magaalada intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2002-dii.

Muuqaallada Hoose ka daawo Aaska Qaran ee Marxuumka loo sameeyey, tacsida loo diray iyo shaqsiyaad ka warramaya taariikhda Marxuumka