Maayarka OO Sheegay In Degmooyinka Hargeysa Siday U Kala Horeeyaan Dib U Qiimayn Lagu Samayn Doono

Hargeysa(SLpost)-Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco ayaa daboolka ka qaaday in sanadkan cusub ee fooda inagu soo haya la dib loo qiimayn doono degmooyinka caasimadu ay k kooban tahay.

Waxa uu maayarku sheegay in degmooyin A ahaa ay dib ugu noqon doonaan B halka kuwo B ahaana ay A ku ruqaansan doonaan, waxa uu sidan ka sheegay maayarku olole cashuur ururineed oo uu shalay ka qaybgalay waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Sanadkan dib ayaavloo qiimaynayaa degmooyinka caasimada oo qaar A ahaana B ayay ku dhacayaan qaar B ahaan A ayay noqonayaan.”