Maayarka Hargeysa oo dhiggiisa Caasimadda Ethiopia ka dalbaday taageero la xidhiidha Aqoonta Qorsheynta Magaalooyinka iyo Dhismaha Jidadka

Addis Ababa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Khamiistii Shalay kulan la yeeshay Maayarka Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa Kuma Demksa, waxaanay ka wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidh wax-wada-qabsi oo Dhexmara labada caasimadood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Maayarada Hargeysa iyo Addis AbabaMaayarka magaalada Hargeysa oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa Maayarka Caasimadda Itoobiya kula kulmay Xafiiskiisa, waxaanu ka dalbaday dhiggiisa Addis Ababa sidii ay isku-dhaafsan lahaayeen waayo-aragnimo iyo Xirfadaha horumarinta magaalooyinka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay danjiraha Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Ayaale Salaad Diiriye.

War-saxaafadeedka Wakiilka Somaliland ee Itoobiya ayaa u qornaa sidan: “Maayarka caasimadda Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawlo shaqo u jooga magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa maanta oo ay bishu tahay 18 /12/2014 kulan aad u balaadhan kula qaatay xafiiskiisa Maayarka magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa, Kuma Demksa. Kulankan oo qaatay saacad iyo badh uuna ku wehelinayey Maayarka Hargeysa, wakiilka Somaliland ee Waddanka Ethiopia Ayaanle Salaad Diiriye, waxay labada maayor kaga wada hadleen guud ahaan xidhiidhka laba dal ee walaaaha ah ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo gaar ahaan sidii iskaashi iyo xidhiidh wax wada qabsi u dhex mari lahaa dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Maayarada Hargeysa iyo Addis Ababa iyo Wakiilka Somaliland ee ItoobiyaMaayor Caydiid wuxuu dhigiisa ka codsaday in Dawlada Hoose ee Addis Ababa wax kala qabato kordhinta tababarada iyo xirfadaha shaqaalaha dawlada Hoose ee Hargeysa, sida ururinta cashuuraha, , dhisidda waddooyinka xaafadaha dhex mara ee dhagaxa la qoray ah iyo hagaajinta qorshaynta magaalada.

Maayor KUMA DEMKSA, ayaa isaguna aqbalay codsiyada Maayor Cabdiraxmaan, oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay arrimahaas wax kala qaban doonaan.

Kulankan oo ku soo dhamaaday Is af garad buuxa, waxay iskula qaateen labada Maayar in la mataaneeyo labada magaalo madax ee Hargeysa iyo Addis Ababa.

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ugu dambayntii ku casuumay Maayar KUMA DEMKSA inuu booqasho ku tago magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, taas oo uu Maayor Kuma-na aqbalay inuu booqasho ku iman doono Hargeysa.

Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawlo shaqo u jooga dalka Itoobiya, isagoo ka soo laabtay socdaal shaqo uu ugu maqnaa xarunta dalka Kenya ee Nairobi,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.