Maayarka Caasimadda oo Agab-ciyaareed ku wareejiyey Wasaaradda Dhalinyarada, kormeerayna Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Magaalada Hargeysa, ahna Duqa Caasimadda, ayaa maanta Qalab-ciyaareed ku wareejiyey masuuliyiinta wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland.

Munaasibadda guddoonsiinta qalabka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed iyo sidoo kale masuuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, waxa kuu maayarku ku wareejiyey agab isugu jira Daraasiin Dirayska iyo Kabaha Ciyaaraha ah.

Qalabka uu Maayarku guddoonsiiyey Wasaaradda ayaa loogu talo-galay Kooxaha Ciyaaraha ee ka dhisan Caasimadda, iyadoo tani ku soo beegmaysa iyadoo uu furmay tartan loo qabtay kooxaha Ciyaaraha ee degmooyinka Hargeysa.

Dhanka kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxa uu isla maanta kormeer ku tagay Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka socday Kulan loogu magac-daray Todobaadka Hiigsiga Horumarinta Caasimadda kaas oo  maamulka dowladda Hoose Afkaar isweydaarsi iyo xog-ururin kula yeelanayeen Dhalinyarada caasimadda.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose