Maayarka Caasimadda Hargeysa oo Wareegto ku Xayiray Qorsheynta Dhulka Buuraleyda ah ee Caasimadda Ku Xeeran

Cabdiraxmaan-Soltelco-300x300Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda ahna Maayarka magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku mamnuucay qorsheynta dhulka buuraleyda ah ee ku hareeraysan magaalada.

Wareegtadan oo uu maayarku ku saxeexan yahay ayuu ku faahfaahiyay sababaha keenay inay joojiyaan qorsheynta dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla caasimadda Hargeysa.

Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan:  “Duqa caasimadda Hargeysa, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa:

Markuu arkay: Sharciga maamulka gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland, qodobkiisa 12aad farqadiisa 1aad iyo 3aad ee dastuurka dalka.

Markuu ogaaday: Xeer NO:17/2001 ee qodobkiisa 7aad xubintiisa 4aad oo tilmaamaya in meelaha buuraha, sanaaga dhagaxa, boholaha iwm ee magaaladu gaadho looma aqoonsanayo beer, magdhaw laguma celinayo.

Markuu garwaaqsaday: Duqa caasimaddu ahmiyada ay buuruhu u leeyihiin qaranka iyo nabadgelyada, si loo ilaaliyo difaaca circa ee ciidamada iyo tan ilaalinta guud ee caasimadda oo ciidamo loo dejinayo.

Markuu isku qanciyay: Duqa caasimaddu ahmiyada buuruhu u leeyihiin in la dhigo toowaro ku shaqeeya tamarta laydhka, cadceeda iyo dabaysha.

Markuu tixgeliyay: Tallada masuuliyiinta ay khusayso hawshani, wuxuu soo saaray:

1- Ka dib markii uu arkay dhamaan asbaabaha kor ku xusan laga bilaabo maalintii ay bishu ahayd 26/09/2013 wuxuu go’aansaday in gabi ahaanba la joojiyay qorsheynta dhulka buuraha, marka laga reebo dhulka babaca ah ee biyo shubka beerta ah sida ku cad Xeer NO: 17/2001, qodobkiisa 7aad, xubintiisa 4aad.”

Dhulka bannaan ee ku wareegsan Caasimadda Hargeysa, ayaa gebi ahaantiiba gacanta ugu jira shacabka, lamana saadaalin karo saamaynta go’aankan ay dawladda Hoose qaadday ku yeelan karo Dhulka buuraha u badan oo shacabku ay isa siiyeen mulkayaddiisa, taas oo inta badan muran iyo iska-horimaadka ka dhexabuurta bulshada dhexdeeda.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net