Maayarka Boorama oo dhagax-dhigay Dhisme Dabaq ah oo Dawladda Hoose Yeelanayso iyo Xarunta Keydka Taariikhda gobollada Galbeedka

Boorama (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Boorama Md Saleebaan Xasan Xaddi iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Xasan Yuusuf Riiraash, ayaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay Dhisme Dabaq ah oo Xafiisyo u noqonaya Dawladda Hoose ee Boorama iyo Xarun loogu talo-galay Keydka taariikhda gobollada Galbeedka dalka.

wfbMaayarka degmada Boorama oo uu weheliyo Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose, waxa ay maanta si wada-jir ah u dhagax-dhigeen dhisme Dabaq ah oo ka kooban Hoolka Shirarka iyo xafiisyada waaxaha fulinta iyo xafiisyada guddi-hoosaadyada Golaha Deegaanka Boorama.

Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xaddi oo warbaahinta kula hadlayey goobta lagu dhagax-dhigay dhismayaasha Cusub, waxa uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Boorama, waxaan dadweynaha u sheegayaa inay indhihiinu arkayaan halka horumarku marayo. Maanta halkaan dhagax-dhigaynaa waa guri dabaq ah hool dawladda hoose lahaan lahayd.”

Sidoo kale, waxa ay masuuliyiinta dawladda hoose ee Boorama dhagax-dhigeen Maktabad lagu keydinayo Taariikhda gobollada Galbeedka Somaliland. Waxaanu yidhi Maayarka degmada Boorama oo sharraxayay faa’idada xaruntani u yeelan doonto bulshada deegaanka, “Dadka Qurbejoogga ah ee danaynaya horumarka iyo magaca, waxaan leeyahay toban sanno maahee haddaad soddon sanno maqan tihiin xabaalaha waalidkiin haddaad doonaysaan inaad soo booqataan, waa halkii magacyada iyo lambarka Xabaasha waalidkaagu ku jiro aad ka heli lahayd iyo in taariikhdii degmada loogu yimaaddo laguna keydiyo. Waxa kale maktabaddan waxa ku akhrisan doona dhalinyarada mutacalimiinta ah ee doonaya inay ogaadaan taariikhda Boqortooyadii Adal.”

Dhagax-dhigga Dhismaha dabaqa ah ee Dawladda Hoose iyo Xarunta Maktabadda Keydka, ayaa qayb ka ah mashaariicda hay’adaha Caalamiga ah ku taageeraan Dawladaha Hoose ee dalka oo wakhtigan si tijaabo ah uga socda saddexda degmo ee Boorama, Berbera iyo Burco.

Dhinaca kale, waxa maanta xarunta Dawladda Hoose ka furmay Kalfadhiga 6aad ee Golaha deegaanka magaalada Boorama oo uu shir-guddoominayey maayarka magaaladaas, waxaana kalfadhigaas ka soo xaadiray 12 xildhibaan oo ka tirsan 20-ka mudane ee Golaha deegaanka Boorama.

SOMALILANDPOST.NET