Maayar iyo Ku-xigeen Cusub oo loo Doortay Golaha Deegaanka Degmada Burco

Maayarka Cusub

Burco (SLpost)- Golaha cusub ee deegaanka degmada Burco ayaa maanta yeeshay fadhigoodii u horeeyay, waxaanay Guddoomiyaha Golaha deegaanka Burco ahna Maayarka magaaladaasi u doorteen Maxamed Muraad oo la sheegay inuu yahay xubinta ugu da’da weyn golahaasi, kaasi oo aanay jirin cid kula tartantay.

Sidoo kale, waxa Golaha deegaanka degmada Burco waxa ay kal-fadhigaas Guddoomiye Ku xigeen ahna Maayar Ku xigeenka Burco u doorteen Muxumed Axmed Xasan (Xoday) oo aan isna cidi kula tartamin jagadaas.

Maayarka Cusub
Maayarka Cusub


Fadhigan Golaha deegaanka Burco oo ku dhammaaday jawi degan oo ay 21-ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay ay fadhiga debeddiisa kaga soo munaaqishoodeen cidda ay u dooranayaan Hoggaankooda, waxa fadhiga goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cadboo Axmed Aayir.

Xafladii Maayerka 1

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa hadal uu ka jeediyay gunaanadkii fadhigaasi waxa uu u hambalyeeyay Maayarka iyo Maayar Ku xigeenka cusub ee Burco, waxaanu Eebbe uga baryay inuu xilkaasi ku asturo oo ay ka noqdaan masuuliyiin ka shaqeeya oo mudnaanta koowaad siiya horumarinta degmada.

Golaha Deegaanka Burco ayaa noqonaya kii u horeeyay ee doortay maamulkooda tan iyo markii dhawaan la shaaciyay natiijadda doorashada deegaanka ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET