Maayar Cabdikariin Axmed Mooge iyo Ku-xigeenkiisa oo si rasmi ah Xilalka ula wareegay

Hargeysa (SLpost)– Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Cusub ee dhawaan loo doortay magaalada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugala wareegay maayarkii iyo ku-xigeenkii hore ee caasimadda.

Munaasibadda xil-warejinta maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee caasimada Hargeysa oo lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, xubno ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa.

Maayarkii hore ee caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ka warbixiyay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa mudadii uu xilkeeda hayay. Waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaashii wax-qabad ee u yaalay in ay dawlada hoose ee Hargeysi ku talaabsato.

Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu xilka maayarnimo ku soo dhaweeyay maayarka cusub ee caasimada Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, isagoo ballan qaaday inuu la shaqayn doono.

Waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, maadaama oo ay tahay magaalo madaxdii dalka, loona baahan yahay in horumarinteeda si guud looga wada shaqeeyo.

Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay isagoo kaashanaaya maayar ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee golaha degaaanka degmada Hargeysa ay dadaal u gali doonaan sidii ay isbedel horumar leh ay ugu samayn lahaayeen caasimada Hargeysa, oo ah magaalada ay ku nool yihiin bulsahda ugu dabadani, waxaanuu shacabka caasimada ka codsaday inay la shaqeeyaan golaha degaanka cusub ee degmada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sii sagootiyay golihii hore ee degaanka degmada Hargeysa, waxaanuu soo dhaweeyay golaha cusub ee dhawaan la doortay, isagoo u ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu bogaadiyey maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO oo dib loogu doortay inuu ka mid noqdo Golaha Deegaanka Caasimadda, una tartamayey inuu mar kale ku soo noqdo Xilka Maayarnimo, waxaanu ku ammaanay inuu hankiisa uga tanaasulo maayarka cusub isla markaana uu aqbalay codsi madaxweyne Muuse Biixi ugu jeediyey inuu ka tanaasulo tartanka maayarnimo.

Sidoo kale, Md Maxamed Kaahin Axmed waxa uu Maayarka Cusub Cabdikariin Axmed Mooge kula dardaarmay inuu isku hayo oo khilaafka ka ilaaliyo mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu sheegay inay kalsoonidooda iyo taageeradooda u hibeeyeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net