Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka S/land Oo Sheegay Inay WFP Ku Qanciyeen Inay Beeralayda Dalka Ka Iibsato Cuntadda Waddaniga Ah Ee Ay Soo Saaran

Gabiley (SLpost)- Maareeyaha Hay’adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo uu weheliyo madaxa xafiiska hay’adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka ayaa shalay booqasho ku tagay magaaladda Gabiley, kuwaas oo uu halkaasi ku soo dhaweeyey badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Shiine.

wfbMaareeye Garas ayaa markii uu ka soo noqday socdaalkiisaasi warbaahinta uga xog-waramay ujeedada socdaalkoodaasi ayaa sheegay inuu ku taxaluqo soo indho-indhaynta xaalada gobolkaas islamarkaana sheegay inay ku qanciyeen hay’adda WFP inay raashinkii ay dibada ka keeni jirtay ay ka iibsato beeralayda Somaliland.

Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Mr Garas waxa uu xussay inuu socdaalkoodaasi daarnaa sidii ay u dhiiri-galin lahaayeen wax-soosaarka dalka si uu yidhi ay hore u sii mariyaan muwaadiniinta Somaliland wax soosaarkooda. Ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ”Xukuumad ahaan waxa naga go’an sidii aanu u dhiiri-gelin lahayn wax-soo-saarka beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aanu ku qancinay Hay’adda WFP, in ay dhiiri-geliyaan wax soo saarka beeralayda dalka, oo ay Hay’adda WFP. ka iibsato beeralayda dalka raashinka ka soo go’a, beerahooda. Arintaasna si rasmi ah ayaanu maanta guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay’adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo cadeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada wadaniga ah ee aynu beerano”.

Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Somaliland waxa uu ugu baaqay beeralayda dalka inay ka faa’idaystaan fursadaan oo ay libin-laabaan wax soo saarkooda, kaas oo qorshaas cusubna ku tilmaamay mid lagama maarnaan ah. waxaanu kula dardaarmay beeralayda in ay illaaliyaan tayada raashinka, oo marka dalaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeelo ka soo gaadhayn.

Maareeyaha Hay’adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, waxa uu tibaaxay in fursadani ay tahay markii u horaysay ee Hay’adda WFP, lagu qanciyo in ay beeralyda dalka ka iibsato cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan, iyada oo Hay’adda WFP, ay raashinka ka soo iibsan jirtay dibada.

Ugu danbayntii, waxa uu Maareeyuhu si weyn ugu mahad-celiyay Badhasaabka Gobalka Gabiley,sidii wanaagsanayd ee uu u soo dhaweeyay wefigoodan iyo sida uu ugu gacan siiyay safarkoodan wax ku oolka ah ee shaqo ee ay ku tageen Gobalka Gabiley.

Dhinaca kale arrintan ayaa noqonaysa mid fursad dahabi ah u ah beeralayda dalka, taas oo la filayo in ay si caaqiibo leh u dhiiri-gelin doonto kordhinta wax-soo-saarka beeralayda, waxaana talaabadan si diiran u soo dhaweeyay beeralayda, iyaga oo uga mahad-naqay masuuliyiintan dadaalada ay ugu jiraan dhiiri-gelinta wax soo saarka beeralayda.