Maanta oo Kale iyo Dhacdooyin Taariikhda Galay oo Somaliland iyo Dunida Kale ka Dhacay

Advertisement

Maanta oo taariikhdu tahay Khamiis, 19 August 2021, waxa ay ku beegan tahay maalinta 231aad ee sannadka 2021, waxaana sannadka hadhay 134 maalmood.

Dhacdooyin badan oo taariikhda galay, ayaa dunida ka dhacay maanta oo kale, waxaana aynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan.

Advertisement
  • Maanta oo kale, Sannadkii 636-kii oo ku beegn dhowr sanno kaddib Geeridii Rasuulkeennii Nebi Muxammed (NNKHA), Ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Asxaabigii Khaalid Bin Waleed (RC), ayaa Ciidamadii boqortooyadii Roomaanka Bari (Byzantine) ku jabiyey dagaalkii Yarmuk, waxaanay guushaasi horseedday inay Muslimiintu furato Suuriya.
Ciidamadii Talyaaniga oo Isku Sawiray Qalcad ay ka qabsadeen Ciidamadii Ingriiska iyo Somaliland 1940-kii

  • Maanta oo kale 19 August, 1940 oo lagu gudo-jiray dagaalkii labaad ee dunida, Ciidamadii Talyaaniga ayaa qabsaday Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriiska oo hadda ah Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  • 19-kii August, Sannadkii 1953-kii, Milatariga Iran oo taageero ka helay dowladda Maraykanka, ayaa xukunka ka tuuray xukuumaddii raysal-wasaare Maxamed Mosaddegh, waxaanay kursiga saareen Maxamed Reza Pahlavi oo noqday Shaahii (Boqorkii) Iiraan.

Xukuumaddii Maxamed Mosaddegh oo ahayd tii u horeysay ee shacabku codkooda ku doorteen, waxa qorshaha af-gembigeeda soo agaasimay isla markaana hagayey Sirdoonka dalka Maraykanka oo u arkayey inuu raysal-wasaare Mosaddegh siyaasaddii dalkaas u jiheeyey dhanka Midowgii Soofiyeeti oo tartan dhinac walba ahi u dhexeeyay.

 

  • Maanta oo kale sannadkii 1973-kii, dalka Faransiiska ayaa markii saddexaad tijaabiyey Qumbiyadda Nukliyeerka oo lagu qarxiyey meel 750 Km u jirta Jaziiradda Tahiti oo ku taalla Koonfurta Badweynta Pacific.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement