MAANTA & GOLAHA WAKIILLADA: Faankii Wasiirka, Fowdadii Xildhibaannada Mucaaradka iyo Fadhuumaysigii Cirro (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta hortegay Golaha Wakiilada, waxaanu halkaas war-bixin kaga siiyey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka 2015-ka, waxaanay halkaas ku weydiiyeen su’aalo la xidhiidha ku-talo-galka miisaaniyadda iyo sida ay u waafaqsan tahay heerka dakhli-ururinta ee ilaha Dhaqaale ee dalka.

MAANTA & GOLAHA WAKIILLADA: Faankii Wasiirka, Fowdadii Xildhibaannada Mucaaradka iyo Fadhuumaysigii Cirro (DAAWO)Wasiirku waxa uu sheegay in Odoroska Miisaaniyadda sannadka soo socda ay ku jirtaan Guryaha Dawladda ee shacabku ku jiraan iyo kuwa la kala iibsadday, kuwaas oo uu sheegay in sifo sharciga waafaqsan loo marayo isla markaana ay ka muuqan doonto Miisaanadda Kal-dambe.

Waxa xusid mudan in mudaneyaasha Mucaaradka ee Golaha Wakiilladu ay qawlo ka dhex-abuuraan Golaha Dhexdiisa intii uu wasiirku warbixintiisa jeedinayey, isla markaana mararka qaar ay ku tuurayeen weedho ay ku beeninayeen qaybo ka mid ah warbixinaha uu madasha ka jeediyey.

HALKAN KA DAAWO