Maamulka Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sanaag Oo laga Afduubay Badhan

 

Ceerigaabo(SLpost)- Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka Puntland ayaa xoog ku kaxaystay guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland u qaabilsan gobolka Sanaag iyo xubno kale, kuwaasoo laga afduubay meel u dhaxaysa deegaanada Yube iyo Hadaaftimo.

 

Xubnaha la sheegay In la afduubay ayaa kala ah gudoomiyihii guddida dooorashooyinka gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaan Qamar Taleex oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka  Ceerigaabo,  madax wacyi gelinta gobolka Sanaag ee diwaan gelinta Cumar Jaamac Faaraxm iyo shan xubnood oo kale oo wehelinayey

 

Taliyaha maamulka Puntland ugu magacaaban bariga gobolka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur, ayaa hogaaminayay ciidanka qafaashay xubnaha ka socday ururada wacyigalinta iyo komishanka doorashada, waxaanay ku haystaan Degaanka Badhan, sida wararka hordhaca ahi sheegayaan.

 

 Xubnahan la af duubay ayaa la sheegay inay saaka ka baxeen magaalada Ceerigaabo iyaga oo ku sii jeeday deegaanka Badhan, halkaas oo ay doonayeen inay ka soo fuliyaan wacyi gelin la xidhiidha qaadashada kaadhka codbixinta.

 

Illaa hadda ma jiro warar ka soo baxay komishanka doorashooyinka Somaliland iyo xukuumadda, hase ahaatee warar madaxbanaan ayaa xaqiijiyay afduubka xubnahaasi oo aan la ogayn sababta kooxdaasi u afduubatay.