Maamulka iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo ka hadlay Askari Wiil Dhalinyaro ah ku dilay Boorama

Madaxweyne Muuse Biixi boorama

Hargeysa (SLpost)- Mid ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku dhacday rasaas uu ku riday askari ilaalada jaamacadda, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Tiimbaro.

Marxuumka Geeriyooday oo lagu magacaabo Ibaahim Cabdishakuur Ibraahim oo ku jiray sannadkii labaad ee kulliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud, ayaa qoyskooda deggennaa magaalada Labadii sanno ee u dambeeyey.

Madaxweyne Muuse Biixi boorama

Maamulka Gobolka Awdal, ka degmada Boorama, Maamulka jaamacadda Camuud iyo madax-dhaqameedka gobolka oo caawa si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdadan, waxaanay sheegeen in xabsiga loo taxaabay oo uu xidhan yahay Askariga Dilka geystay.

Advertisement

Muuqaalka hoose ka daawo Hadallada Maamulka gobollka, degmada Boorama iyo Maamulka jaamacadda Camuud

Follow us On