Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo Kulan ballaadhan la yeeshay Waalidiinta Ardayda Wax ka barata

Hargeysa (SLpost)- Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare ee Wiilashada ee Nuuradiin, ayaa maanta kulan xog-warran iyo is-xaalwaraysi xambaarsan la yeeshay Waalidiinta Ardayda wax ka barata Dugsigaas.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Maamulaha Guud ee Dugsiga Nuuradiin, Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga, Waalidiin tiro badan, madax-dhaqameed, Culimo iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Nuuradiin, ayaa waalidiintiinta uga warramay dhacdo Dugsiga sare ee Wiilashada ka dhacday dhawaan kaddib markii qaar ka mid ah ardaydu dugsiga dhexdiisa ka sameeyen bannaan-bax khasaare baaxad leh loogu geystay Agabka iyo Dhismaha Dugsiga.

Advertisement

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin faraca Wiilashada Ismaaciil Maxamuud Cakuush iyo qaar ka mid ah bareyaasha Dugsiga oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey geeddi-socodkii waxbarasho ee dugsigu soo maray iyo qaabkii ay ku timi dhacdadaas oo ay sheegeen inay ku koobnayd arday tiro yar oo dugsiga ka tirsan.

Faahfaahinta warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah iyo Hadalladii laga jeediyey munaasibadda kaga Bogo Muuqaalka Hoose.

Qaar ka mdi ah Waalidiinta ardaydoodu wax ka barato Dugsiga sare ee Nuuradiin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay waalid ahaan ka xun yihiin falkii waxyeellada loogu geystay dugsiga, waxaanay ku dheeraadeen muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay da’yarta iyo Qiimaha ay leedahay inay ardaydu ilaashadaan Hantida goobahooda waxbarasho iyo macalimiintoodaba.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On