Maamulka degmada Gabiley iyo Taliska Booliska oo Kulan-siyaasadeedyada ka mabnuucay magaalada Gabiley iyo Xisbiga UCID oo ka hadlay

Akhriso Awaamiir ka soo baxay Maayarka magaalada Gabiley iyo Taliska Booliska Saldhigga Magaaladaas

Hargeysa/Gabiley (SLpost)- Maayarka magaallada Gabiley iyo Taliyaha Booliska degmadaas, ayaa soo saaray qoraallo mamnuucaya inaan hoteellada magaalada Gabiley lagu qaban-karin kulamada siyaasadda, waxaanu mulkiilayaasha iska leh hoteelladaas ku amray inaan meheradahooga lagu qaban karin Munaasibadaha Siyaasadeed ay ku qabsadaan Xisbiyada Siyaasaddu, ciddii amarkaa u hoggaansami waydana wuxu ugu hanjabay in Boolisku waajibkooda ka gudan doono.

WARAAQDA MAAYARKA

10008

 

Sidoo kale, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Gabiley Dhamme Cabdi Aadan Faarax, ayaa waxa uu soo saaray qoraal uu ku socodsiiyey Ibraahin Axmed Xasan (Sangal) oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Deegaanka Gabiley, wakhtiganna ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jooga gobolka Gabiley, kaasoo uu qoraalkiisa ku farayo inaanu haba-yaraadaane aanu wax Xaflado siyaasadeed ah ku qaban Gabiley, isagoo Taliyuhu tix-raacaya qoraalka Maayerka Gabiley.

WARAAQDA TALIYAHA

10007

Dhinaca kale, Xisbiga UCID, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid kalis-talisnimo ah isla markaana aanay xisbi u ahaan u hoggaansami doonin go’aanka maamulka degmada iyo ka booliskaba.

“Waxaanu Shacbiga S/land u Sheegaynaa In Dastuurkii Iyo Xeerarkii Dalkaba ay Laabeen Xukuumadani isla markaana u soo banbaxeen in shacbiga s/land awood ciidan ku daadiyaan Dhiigooda

Waxaan u Cadeyneynaa In Aanaan ka Joogsansan Doonin Xuquuqda Iyo Wajibaadka Dastuurku Nasiiyey Xafladuna Dhici Doonto Wixii Khasaare Ah e ka dhashana Tunka Ku Qaadan Doonaan Moyorka Iyo Cida Ka Danbeysa Ee Amarka Soo Siinaysa,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi.

SOMALILANDPOST.NET