Maamulihii Dugsiyada Salaama Secondary Schools oo Xabsiga loo taxaabay

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa Xabsiga u taxaabay maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama Secondary Schools oo Saaka uu ka dhacay bannaan-bax kooban oo ay Sameeyeen ardayda dugsigaasi.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa xadhigga maamulaha dugsiga Sare ee Salaama, haseyeeshee waxa la sheegay inay wasaaradda Waxbarashadu amartay xadhigga maamulaha si baadhitaan loogu sameeyo sababta ka dambaysa gadoodka ardayda.

Advertisement

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa sheegay in ay Baadhis ku samaynayaan sababta keentay in ardayda ay gadoodaan, waxaanay sheegeen inay tallaabo adag ka qaaday ciddi ay ku cadaato.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ay sameeyaan ardayda wax ka barta dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaana toddobaadkii hore sidan oo kale bannaan-bax khasaare sababay ku kacay arday wax ka barata Dugsiga Sare ee Nuuradin Schools qaybta Wiilasha oo khasaare baahsan u geystay dugsiga.

Somalilandpost.net

Follow us On