Maamulayaasha Dugsiyga Gaarka loo leeyahay oo looga yeedhay Golaha Guurtida iyo Arrimo lagala hadlay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Kulan la qaatay Maamulka Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo dhawaanahan cabasho ka muujinayey Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo Deeqihii Waxbarasho ee sannadkan u gaar yeeshay Ardayda wax ka baratay Dugsiyada Dowladda.

Inkasta oo Kulanka Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu yeesheen Albaabbadu u xidhnaayeen, haddana markii uu kulankaasi soo dhammaaday, ayey Xubno u hadlay labada dhinac Warbaahinta la wadaageen waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Warkaas Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada Somaliland iyo Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa ka jira dhex-maray oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-