Maamulaha Madaarka Boorame oo sheegay inuu Dawladda Hoose Ka Horjoogo Dhulka Madaarka magaalada (DAAWO)

Boorame (SLpost)- Maamulaha Madaarka magaalada Borama ahna Isu-duwaha Wasaaradda Duulista Hawada ee gobollada Awdal iyo Selel Mustafe Maroodi, ayaa deyriyey xaaladda madaarka magaalada Boorama oo aan lahayn xayndaab ka sooca dhulka dadweynaha.

Mustafe oo Maanta warbaahinta ugu warramay magaalada Boorama, waxa uu sheegay inuu dhulka madaarka ka ilaaliyo Maamullladii isaga dambeeyey golaha deegaanka degmada Borama.

Isu-duwaha wasaaradda Duulista ee gobolada Awdal iyo Selel Mustafe, waxa uu qurbejogga gobolladaas ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhismaha madaarka oo aad u dayacan wakhtigan, “Anigoo ah isu-duwaha duulista iyo hawadda ee gobollada Awdal iyo Selel, waxaan u sheegaya qurbo-joogta iyo waxgaradka u dhashay gobolkan iyo Selel-ba inay wax ka qabtaan dayaca haysta madaarkoodii. Runbaan idiin sheegayaa, meeshan cid u maqan oo aan Illaahay ahayn iyo idinka ahayn ma jirto oo imika xataa uma hayo silig aan ku xidho, xadayntii madaarku wuu furan yahay oo dadweynaha qaarkood waxay aaminsanyihiin oo ay kala saari la’yihiin qaybaha uu madaarku u qaybsamo. Sida ay dadka kale madaarradooda u dhisteen, waxaan baaqa idiinku diray inaad wax ka soo qabsatan sida airpot-da kale,”ayuu yidhi.

Isu-duwuhu waxa kale oo sheegay inuu dhulka Madaarka Borama ka horjoogo maamulladii isaga dambeeyey Dawladda Hoose ee magaaladaas, “Maamulkan cusub ee deegaanka iyo kuwii hore, wixii ka sii hadhay (dhulka Madaarka) iyagaan meesha ka ilaaliyaa,” ayuu yidhi.

Somalilandpost.net