Maamulaha Guud ee DAHABSHIIL oo ka hadlay qaraar Maxkamadi ka soo saartay Dacwad shirkaddu ka gudbisay Dahir Alasow

HARGEYSA (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ka hadlay qaraar Maxkamad ku taala magaalada Breda ee dalka Netherland ka soo saartay Dacwad ay shirkaddu ka gudbisay suxufiga Daahir Alaow oo lagu eedeeyey inuu warbixinno iyo warar been-abuur ah oo shirkadda laga sheegayo ku qoray dhowr website oo uu leeyahay.

ABDIRASHIID M SAEDCabdirashiid Maxamed Siciid oo maanta waraysi gaar ah siiyey Weriye Cismaan Axmed Cismaan oo ka tirsan Telefishanka STAR ee magaalada Hargeysa, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay go’aanka maxkamadda iyo midho-dhalka dacwado in muddo ah soo taxnaa oo ay ka gudbisay suxufigaas.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARAYSIGA LALA YEESHAY CABDIRASHIID MAXAMED SICIID