Maamul-goboleedyada Soomaaliya oo la kala saftay Farmaajo iyo Rooble oo khilaafkoodu Cirka isku shareeray

Advertisement

Muqdisho (SLpost)- Khilaafka soo-laba-kacleeyey u dhexeeya madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa saamayn ku yeelatay madaxda maamul-goboleedyada dalkaas oo la kala saftay labada hoggaamiye.

Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa oggolaaday inay ka qeybgalaan shir uu ku baaqay Raysal-wasaare Rooble, halka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed uu diiday ka qeyb-galka shirka Raysal-wasaaruhu ku baaqay oo la filayo inuu qabsoomo Axadda Berri.

Waxa kale oo uu khilaafkani sababay in Raysal-wasaare Rooble Isku beddelo laba ka mid ah golihiisa xukuumadda.

Advertisement

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Raysal-wasaaruhu u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ahaa Wasiirka Caddaaladda, halka Xasan Xuseen Xaaji oo hore u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa salka ku haya hannaanka Doorashada dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) ayaa xalay qoraal uu soo saaray ku sheegay in Raysal-wasaare Rooble uu gudan waayay waajibkii loo igmaday, laakiin Rooble oo maanta u jawaabay ayaa ku gacan-saydhay eedayntaas, waxaanu sheegay inaan musharrax gaar ah laga oggolaan doonin inuu doorashada ku takri-falo, isagoo markaas ujeeda Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo mar kale u sharraxan madaxtinimada dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Advertisement