Maamul-goboleedka Puntland oo Somaliland ku haysta Lahaanshiyaha Taariikhda Halgankii Daraawiishta

 

Garoowe (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland iska leedahay Taariikhda Daraawiishtii uu hoggaamin jiray Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Axmed-Karaash ayaa arrintan kaga hadlay hadal uu maanta ka jeediyey magaalada Garoowe ee Xarunta maamul-goboleedkaas oo uu xaflad kaga qayb-galay, iyadoo hadalkiisani daba-socdo hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay.

Axmed-karaash oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Buuhoodle ee Somaliland oo ku abtirsada taariikhda Daraawiishta waxa uu ku dooday in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin.

“Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid Waxa leh Hargeysa. Ninkaa waxaanu leenahay ‘Iska hadlow ina igarre”, ayuu yidhi Axmed Karaash.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, sidaas awgeedna ay xukuumad ahaan muhiimad weyn siinayaan soo-nooleynta iyo xuska taariikhdaas.

Dhanka kale, maamulka gobolka Sool iyo ka Degmada Laascaanood ee Xarunta gobolkaas, ayaa todobaadkii hore soo bandhigay qorshe magaaladaas lagaga dhisayo Taallo lagu weynaynayo taariikhda Daraawiishta.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu xusay qiimaha uu leeyahay Halgankii Daraawiishta oo qayb weyn ka soo qaatay ololihii lagaga soo horjeeday Guumaystihii Ingiriiska ee gacanta ku hayn jiray Maxmiyaddii Somaliland.

Somalilandpost.net