Maamul-goboleedka Puntland Oo Sheegtay Inay Dishay Madaxii Hawl-gallada Kooxda Daacish

Puntland (SLpost) – Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegay in weerar ka dhacay deegaanka Balidhidhin oo ka tirsan gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar habeen hore  kooxda Daacish ay kuso qaaday Saldhiga deegaanka Balidhidhin, isla-markaana ciidanka ay ku dileen Madaxii hawlgalada kooxda Daacish Abu-Albara Al Amani.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Booliska maamulka Puntland lagu sheegay in Abu-Albara Al Amani uu kasoo jeedo gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, islamarkaana uu ahaa shaqsi Itoobiyaan badan ku qasbay iney ka mid noqdaan kooxda Daacish ee ka dagaalanka deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Booliska Puntland sidoo kale sheegay iney horay u dileen Madixii hawlgallada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir, kadib dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, hayeshee dilkiisa kadib ay kooxda booskaasi u magacawday Abu Albara bishii July ee sanadkii 2021, kaasoo isna 12-kii bishaan la dilay.