Maalqabeennada iyo Ganacsatada Ingiriiska oo loo soo bandhigay Fursadaha Maalgeshi ee ka jira Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganacsatada iyo maal-qabeennada dalka Ingiriiska ugu baaqday inay maal-qabeennada iyo Shirkadaha Ingiriisku ka faa’idaystaan kheyraadka iyo suuqa dihin ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka qayb-galay shir ay soo qaban-qaabisay Waaxda Ganacsiga Dibadda ee UK oo Arbacadii toddobaadkii hore ay iskugu yimaadeen Dawladda iyo Maal-qabaeennada Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrika si loo daraaseeyo fursadaha maalgashi ee ka jira Qaaradda Afrika.

Warbaahinta East Afrika Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda ayaa lagu daabacay waraysi ay la yeelatay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Md Baashe Cawil, kaas oo sheegay inuu shirkaas uga qayb-galay sidii ay Maalqabeennada iyo Shirkadaha Ingiriiska ah ugu guubaabin lahaa inay xidhiidh ganacsi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Danjire Baashe Cawil waxa uu sheegay in casriyeyntii iyo ballaadhintii Dekedda Berbera gebo-gebo ku dhow dahay, isla markaana la filayo inay qayb laxaad leh ka qaadato Isu-socodka Ganacsiga mandaqadda Geeska Afrika.

“Fursad weyn bay noo ahayd inaan kaqeyb-qaato shirka oo ujeeddadiisu ahayd isku-xidhka ganacsatada Ingiriiska iyo kuwa Afrikaanka ah oo diirada lagu saaray abuuritaanka fursado maal-gashi ee mustaqbalka oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo tikniyoolajiyadda lagu kobciyo,” sidaas waxa yidhi Baashe Cali.

Danjire Baashe Cawil wuxuu u soo jeediyey dawladda Ingiriiska inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi iyo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland iyo dekedda Berbera maadaama oo labada dal ay ka dhexayso cilaaqaad taariiheed oo soo jireen ahi.

“Ingiriisku ugama baahna inay Somaliland is-barto, way ka war hayaan muhiimadda Somaliland leedahay iyo meelaha ay ku fiican tahay marka laga hadlayo fursadaha maalgashi, ” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Waxa uu Safiirku ku dooday inay Somaliland kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto isku xidhka iyo si xoojinta ganacsiga Ingiriiska iyo Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net