Maalmaha Ololaha Doorashooyinka Somaliland oo la soo koobay iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan maanta uu la yeeshay Axsaabta Siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu go’aamiyey in muddo lix maalmood ah lagu soo koobo maalmaha ololaha Doorashada maadaama wakhtigu kooban yahay.

Madaxweynaha oo Kulanka ka hadlay, waxa uu sheegay in axsaabta qaranku ku heshiiyeen in muddo lix maalmood ah lagu soo koobay ololaha maadaama ay kooban tahay muddada ka hadhay qabsoomidda doorashada oo loo muddeeyey 31-ka bisha May ee sannadkan.

Muddada lixda maalmood ee maalmaha ololaha lagu soo koobay, ayaa si siman loogu qaybiyey saddexda Xisbi Qaran oo mid kasta loo asteeyey inuu ololihiisa qabsado laba maalmood.

“Waxaynu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net