“Maalintii WADDANI loo xafladaynayey, ayaa laygu casuumay, waxaan ku idhi garoonka waan idinku sida gobolka Hawd uu gobollada kale uga badiyo…” Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa eedaymaha mucaaradku Xukuumadda talada haysa ugu jeediyaan inay xaqabad ku tahay qabsoomidda doorashooyinka ku tilmaamay gef iyo khalad aanay xisbul-xaakim ahaan qabin oo dhinacooda ka dhammaaday balse ay goleyaasha sharci-dejintu gacan ku hayaan dhammaan shuruudihii dhammaystiri lahaa qabsoomidda doorashada.

DSC_0976Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dooday inaanay jirin cid xukuumadda talada haysa ee Kulmiye kaga munaasibsan hoggaaminta dalka wakhtigan isla markaana kula tartami karta doorashada madaxtooyada ee la filayo sannadka dambe badhtamihiisa inay ka dhacdo dalka, waxaanu sheegay in labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI ay midkood is-garanayaan, tartanno horena ku soo kala hadheen, midna aanu lahayn miisaan siyaasadeed oo uu xisbigiisa kula tartami karo doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad duleedka magaalada Baligubadle loogu qabtay xadhig-ka-jarista wejiga kowaad ee dhismaha Jidka Baligubadle/Hargeysa, waxa uu si ba’an u weeraray ololeyaasha siyaasadeed ee hoggaanka Xisbiga Waddani oo uu ku eedeeyey inay sifo khaldan oo nidaamka dimuqraadiyadda ka baxsan u adeegsanayaan ololeyaashooda siyaasadeed ee hanashada hoggaanka dalka.

Isaga oo arrimahan ka hadlayey waxauu yidhi, “Laydhii Doorashada ayaa ina haysa, xumaddeeda ayayna iska leedahay. Waxaanu doonaynaa inaanu umadda u sheegno, xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihiisa, wax ala wixii loogu talo-galay doorashada iyo wakhtigeedii inuu naga dhan yahay oo aanay waxba noogu laabnayn. Afkuu doono ha ku hadlo, nin kasta oo noo yimaadda, mid diir cad iyo mid diir madowba, waxaanu u sheegnay, sida dastuurku qorayo, inaanu qodob walba maalintiisii iyo sharciyaddiisa markii loo baahnaa dhammaynay.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu is-barbardhigay tayada hoggaamineed ee Laba xisbi mucaarad, isaga oo sheegay inay is-yaaqaanaan isla markaana dhowr jeer soo kala calaf-qaadeen Xisbiga UCID isla markaana aanay cabsi ka qaban doorashooyinka soo socda, halka Xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ku sheegay Xisbi siyaasaddiisu aanay xamili karin loolanka siyaasadeed ee doorashooyinka. “Waxa lagu cel-celiyaa oo dadka lagu kiciyey oo qaar innagaga dhaawacmeen, qaarna innagaga dhinteen, Kulmiyaa doorashadii aanu heli lahayn oo noo diyaar ah, ayey dawladdu dib u dhigaysaa. Horta Saddex xisbibaa tartamaya; midi waa UCID, dhowr tartan oo hore ayaanu soo wada-galnay, waa is-naqaanaa, waa walaaladayo, ciyaartu waa tii, kubaddu waa tii, garoonku waa kii, keen ciyaartoygaaga waynu ciyaaraynaaye, goolasha iska ilaali.”

“Xisbigan WADDANI ee xamaasadda Kulul waxaanu leenahay, waa ciyaartii kuugu horeysay ee aad garoonka soo gasho. Maalintii WADDANI loo xafladaynayey, ayaa laygu casuumay, waxaan ku idhi garoonka waan idinku soo dhawaynaynaa, waliba waayo-arag baanu nahayd, annaga ciyaar xanaaq iyo jallaafo ah midna hanaga eegin, sida gobolka Hawd uu gobollada kale uga badiyo inta badan, ayuunbaanu annaguna idinka badin doonaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “WADDANI waxaan leeyahay oo si sharaf leh ugu sheegayaa, Kubadda iyo Siyaasaddu waa isku mid, ciyaartiibaynu galaynaa, doorashooyinkiibaa la galayaa, annaga Kulmiye waa naga xaaraan, halka ciyaartoy oo Kulmiye iska dhaaf Casaane, hal Jaalle (Huruud) ah loo taagi maayo, anigaa Kabtankooda ah oo ballanbaan idiinka qaadayaa, qofka ciyaarta laga badiyo anigaa idinka qabanaya. Waxa layaab leh, WADDANI, isagoon garoonka soo gelin buu sii xanaaqayaa oo jalaafadiisii badatay, waxaan leeyahay horta garoonka soo gal, ciyaartoygu waa kuma? Annaga doorashadii waa diyaar, garoonkii waa diyaar, wixii hadhayna wuxuu ku jiraa gacanta baarlamaanka, anisixinta guddigii doorashooyinka waxa laga rabaa baarlamaanka, miisaaniyaddii inay sii daayaan waxa laga rabaa baarlamaanka, xeerkii aanu soo gudbinnay ee dhammayska-tirnaa waxa laga rabaa baarlamaanka, maxaa umadda meel aan jirin xaasaasiyad loogu kicinayaa.”

“Midna waan idiin sheegayaa waayo qabiilka soo saari kara madaxweynaha? Hadduu jiro waxba yaanu is-dhibin qabiilkaasiye aayar hala soo baxo madaxweynaha. Anoo reer Hebel ah meel igeyn mayso, Somaliland oo dhanbaa loo baahan yahay. Waddani waxaanu leenahay qabaa’ilka oo dhan doono,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.