Maalgeshato u dhashay Dalka Sucuudiga oo Booqday Mashruuca Beeraha Banka Wajaale

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ah maalgashadayaal u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa booqday Mashruuca Dhul-beereedka Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley oo ay danaynayaan inay maalgashadaan.

Weftiga ganacsatada Sucuudiga oo ay horkacayeen Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, xubnana ka ahaayeen Maareeyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadarre iyo Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Eng. Mowliid Xasan Cabdi, waxa halkaas ku soo dhoweeyey maamulka degmada Gabiley oo uu hoggaaminayey Maayar Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Weftiga ka socda Sucuudiga oo ka kooban 16 maalgeshade, waxay sidoo kale wasiirrada iyo xubnaha kale ee dawladda Somaliland soo mariyeen magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale, gaar ahaan suuqa magaaladaas, si ay eegaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Md Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan, ayaa markaa kadib waxay weftiga maalgashadeyaasha Sucuudiyaanka geeyey Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha.

Waxa halkaa weftiga ku soo dhoweeyey Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale Mowliid Xasan Cabdi, waxaanu u sharraxay dalagyada Wasaaraddu ku beerto noocyadooda, xilliyada la beero iyo dedaalka ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto inay sii ballaadhiso wax-soo-saarka ay halkaa ka samayso.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey dedaallada Wasaaradda Beeraha ee dhinacyada badan leh, sida Mashruuca Banka Wajaale oo sannad walba dhowr jeer la beero.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac oo isaguna weftiga la hadlay, ayaa u sharraxay ahmiyadda dawladda Somaliland siinayso maalgashi lagu sameeyo dhul-beereedkeeda, sidaa darteed ay weftiga ka socda dalka Sucuudiga ku soo dhoweynayaan dalka, maaddaama oo ujeeddada socdaalkoodu tahay inay eegaan fursadaha ka bannaan dhul-beereedka Somaliland, si ay maalgashi ugu samaystaan.

Wasiir Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa weftiga u tilmaamay inay Somaliland soo dhaweynayso cid kasta oo danaynaysa inay dalka maalgeshi ka samaysato, gaar ahaan dhinaca beeraha, maaddaama Somaliland leedahay dhul hodan ah oo ku habboon beerashada.

Gebogabadii, waxa weftig hadhimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Weftiga oo dorraad dalka soo gaadhay isla markaana joogi doona muddo shan maalmood ah, waxa ay dalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Maalgeshiga iyo agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, waxa kulan casho sharaf ah loogu sameeyey magaalada Hargeysa, iyadoo munaasibadaasi ay ka qaybgaaleen xubno kamid ah golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan ee xukuumadda. waxaana madaxda ka qaybgashay kamid ahaa Wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda & Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta Gaadiidka & jidadka, Horumarinta Biyaha, Gudomiyaha Komishanka Tamarta, Gudomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno ka socday ganacsatada Somaliland.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga Mr. Maxamed Cismaan Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maalqabeeno warshado ku leh dalalka Geeska Afrika.

Agaasimaha Guud iyo maalqabeenada oo hore ugu kulmay caasimada Addis Ababa ayaa la sheegay inay qorsheynayaan sidii ay warshado Wax-soo-saar dalka uuga hirgelin lahaayeen.