Maalgelin Loo Sameeyey Dumarka Hilibka Ku iibiya Suuqyada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta cadaaladda Somaliland Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri iyo agaasimaha guud ee wasaaraddasi Ismaaciil Saleebaan Maxamed ayaa magaalada Hargeysa kaga qaybgalay munaasibad ururka Aadam Academy uu maalgalin ugu sameeyey 20 dumar ka mid ah haweenka hiliblayaasha ee suuqyada Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha hay’adda wadaniga ah ee Aadam Akadami Khadar Jirde Siciid, ayaa sheegay in uu yahay kulankii labaad ee ay ku qaybinayaan deeq xoolo ah oo dhan 160 neef, waxaanu sheegay in ay ugu talo galeen in ay siiyaan 20 haween ah oo ay ka soo xuleen xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka shaqeeya suuqyada magaalada Hilibka ee magaalada Hargeysa, waxa uu intaas raaciyay in gabadhkasta la siin doono 8 neef oo adhi ah si loo kabbo ganacsigeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta cadaaladda Somaliland, ayaa hay’adda waddaniga ah ee Aadam Akadami uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay in dadka danyarta sidii ay dhaqaalahooda kor ugu qaadilahaayeen, waxaanu ka codsaday haweenka maalgelinta loo sameeyay in ay ka war hayaan dadka ay jaarka yihiin ee hayntooda dhaqaale hoosayso.

Gaba’gabadii hooyo ku hadlaysay afka haweenka loo qaybiyay kaalmadan Adhiga ah oo ka hadashay munaasibadii xoolahan loogu qaybinayay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin, waxaaney intaas raacisay in ay ka faa’idayn doonaan kaalmadaasi la siiyay, isla markaana uu wax weyn ka tari doono shaqadii ay nolol maalmeedkooda kala soo baxayeen.